
qeebo qeebo - dayax dalnuurshe lyrics
Loading...
aduunyadu waa cisho
cawo iyo maalmaan badnayd
cimrigu waa koobanyahay
calafkuna waa mid qura
waxaan cabiraa rajadda
cadceedu markay dhacdoo
cidahu markay hurdaan
waxaan fadhiyaa cidlada
calooshu waxbay tabtaa
naftuna ceel bay dhaxdii
canaanta ka soo dirtaa
cirkaan sare eeg-yaa
cidlaan wehel moodayaa
caanaan biyo moodayaa
cishaan duhur moodayaa
cadaad duruur moodayaa
cawashadu keed miyaa
ceeryaamadu roob miyaa
colaadu heshiis miyaa
caqligu wuu is diidanyahay
calooshu waxbay tabtaa
naftuna ceel bay dhaxdii
canaanta ka soo dirtaa
cirkaan sare eeg-yaa
Random Song Lyrics :
- astronaut - yxng squirtle lyrics
- time - fino lyrics
- i'll be like you the reason - young diamond lyrics
- seasons of love (radio edit) - cast of the motion picture 'rent' lyrics
- friendsuck - kennyjacta lyrics
- idk. - hzrd. lyrics
- животный мир - maxskills lyrics
- dart noldu? - gazapizm lyrics
- rewind - elton [+][-] lyrics
- up at midnight - tzb lyrics