halyeey dhiiranoo - khadar keyow lyrics
walaalkeey ila dhashow
jirkiyo dhiiggaygiyow
dhabbaan kuu jecelahoo
aqalkiyo guri dhiskiyo
guushaadani dhaxalgalkaa
dhaantaan uga heesayaayee
walaalkeey ila dhashow
jirkiyo dhiiggaygiyow
dhabbaan kuu jecelahoo
aqalkiyo guri dhiskiyo
guushaadani dhaxalgalkaa
dhaantaan uga heesayaayee
saaxiibkeey i dhiirriyow
arooskaagaa ka dhigan
farxadda lagu dhaata iyo
waxaan dhiiggaba u shuboo
ka dhiidhiiyo gabayo badan
ciyaarna kuu soo bandhigo
saaxiibkeey i dhiirriyow
arooskaagaa ka dhigan
farxad lagu dhaata iyo
waxaan dhiiggaba u shuboo
ka dhiidhiiyo gabayo badan
ciyaarna kuu soo bandhigo
adeerkey kuu dhaloow
halyeey, halyeey dhiiran baa tahoo
adaa cumaroow dhabtii
dhidbaya reer baaxad weyn
xamdina way kuu dhaxdoo
alleylehe weey dhan tahay
adeerkey kuu dhaloow
halyeey, halyeey dhiiran baa tahoo
adaa cumaroow dhabtii
dhidbaya reer baaxad weyn
xamdina way kuu dhaxdoo
alleylehe weey dhan tahay
bal hoo cumarow dhambaal
waxaad heshay gaari dhabba
garaad iyo dhiirranaan
aqoonta ku dhaaratoo
dhismaha qoyskiinna bilan
dhalaalkeedaa qurxiyay
bal hoo cumarow dhambaal
waxaad heshay gaari dhabba
garaad iyo dhiirranaan
aqoonta ku dhaaratoo
dhismaha qoyskiinna bilan
dhalaalkeedaa qurxiyay
walaal cumar dhiirranow
dhankaagana waan hubaa
xummaan kama soo dhacdoo
xamdina way dhowrsantee
dhismaha gurigiinna dhowr
jacaylkana yuu dhammaan
haa, walaal cumar dhiirranow
dhankaagana waan hubaa
xummaan kama soo dhacdoo
xamdina way dhowrsantee
dhismaha gurigiinna dhowr
jacaylkana yuu dhammaan
adeerkey kuu dhaloow
halyeey, halyeey dhiiran baa tahoo
adaa cumarow dhabtii
dhidbaya reer baaxad weyn
xamdina way kuu dhaxdoo
alleylehe way dhan tahay
adeerkay kuu dhaloow
halyeey, halyeey dhiiran baa tahoo
adaa cumarow dhabtii
dhidbaya reer baaxad weyn
xamdina way kuu dhaxdoo
alleylehe weey dhan tahay
Random Song Lyrics :
- are you okay? - doublecamp lyrics
- lil red - taco (china) lyrics
- no twinz - xxjayy lyrics
- lingo - chandler lyrics
- vale - colo de deus lyrics
- alles wat we samen doen - clouseau lyrics
- run away with me - carillo lyrics
- lihyot velamut be - לחיות ולמות ב - lava dome - לאבה דום lyrics
- stress - bis lyrics
- packin up - se mafia lyrics